Baarlamaanka Soomaaliya oo laalay qaraar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlaamanka Soomaaliya ayaa maanta laalay wareegto todobaadkii hore ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku saabsanayd agaasime-waaxeedyada hay’adaha dowladda.

Arrintan oo maanta la horgeeyey Golaha ayaa dood adag ka dhalisay fadhiga Baarlamaanka, iyadoo guddiga arrimaha bulshada uu xildhibaanada horgeeyay qaraarka kaddib markii ay dhowr maalmood ka shaqeynayeen sida uu sheegay gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiye Abshirow ayaa sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu ku degdegay sida uu hadalka u dhigay soo saarista wareegtada, maadama ay laf-dhabar u yihiin masuuliyiinta xilalka haaya maamulka hay’adaha dowladda ayna door muuqda ka qaataan hoggaaminta, hirgalinta siyaasadda, fulinta qorsheyaasha iyo joogtaynta shaqada hey’adaha, iyadoo arrinta laga eegay dhinaca sharciga.

Dood dheer kaddib, ayaa xildhibaanada loo qaaday cod gacan taag ah si loo go’aamiyo mowqifka Golaha ee ku aaddan wareegtada. 136 xildhibaan ayaa diiday, halka 2 xildhibaan ay oggolaadeen, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Abshirow.

Guddoonka ayaa sheegay in natiijada codka ay ka dhigan tahay in wareegtadii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha la laalay oo aysan wixii hadda ka dambeeya shaqeyn karin, iyada oo Xafiisyada hay’adda Dowladda loo diri doono warqad rasmi ah oo lagu wargelinayo go’aanka Golaha Shacabka.

“Waxaa diiday 136 Xildhibaan, waxaana ogolaaday 2 xildhibaan, sidaas daraadeed wixii hadda ka dambeeya waxaa meeesha ka baxay wareegtadaas. Hay’adda fulinta waxaan u diraynaa sida ugu dhaqsiyaha badan Warqad. Xildhibaanadu si waafi ayey uga doodeen waxaana ka soo baxay oo aan u codeynay in la laalo oo aysan shaqeyn karin wareegtadii Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ka soo baxday” ayuu yiri Gudoomiye Abshirow.

Go’aankan wuxuu yimid, kadib markii 17-kii bishaan September 2026 uu Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre  faray dhammaan Wasiirrada iyo Mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ee ku salaysan kartida iyo mudnaanta, waxaana Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo fariintan loo diray inay bilaabaan ahayd 20-ka bishaan Sebteembar wajiga 1aad ee dib-u-habaynta Agaasime Waaxeedyada hay’addaha Dowladda.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed