Maxay yihiin ciidamada Dalaayadaha ka booda ee Masar & Soomaaliya oo tababarka sare u soo xireen?

Dowladda Masar ayaa tababar heer sare ah u soo xirtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar ku saabsan hawlgallada gaarka ah ku qaatay dalkaasi. Tababarka ayaa qeyb ka ah iskaashiga amni iyo difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

War ka soo baxay taliska ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamadan  lagu tababaray xirfadaha Kumaandooska, la-dagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada, dagaalka magaalooyinka iyo howlgallada dallayadaha (Parachute), iyadoo xoogga la saaray sare u qaadista awoodda iyo xirfadaha ciidamada gaarka ah.

Sidoo kale, Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka mid ah taliska ciidamada xoogga Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Masar. Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa ciidamada kula dardaarmay sida uu Raadiyaha ciidamada inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen si hufan ugu adeegaan waajibaadka qaranka.

Tababarkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo lagu xoojinayaa tayada iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamada xirafaha sare, si ay uga qeyb qaataan howlgallada amniga iyo la-dagaallanka Khawaarijta.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed