Wafdi sare oo ka socday Dowladda Pakistan oo dhowrkii maalin ee la soo dhaafayna ku sugnaa Caasiamada Muqdisho, uuna hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka ee dalkaasi, Air Marshal Muhammad Sarfraz ayaa maanta kulan laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.
Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinacyada amniga iyo difaaca, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliya, kordhinta awooddiisa iyo tababarka ciidanka.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad siinayso dhismaha, tababarka, tayaynta iyo qalabaynta ciidamada, iyada oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.
Ugu dambeyn, Dowaldda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay wafdiga Pakistan booqashadooda Muqdisho, xili uu Ra’iisalwasaare Xamsa uu sheegay inay muhiim u tahay sii xoojinta xiriirka labada dal.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu horumarinayo awoodda hay’adaha amniga iyo difaaca, oo ay ku jirto tayaynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
HBN Online Tv

