Wafdi uu hoggaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ka qeybgalay shirka golaha Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota xaruntooda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Khudbad uu jeedin doona shirka Golaha Guud ayaa la filaa inuu kaga hadlo horumarka Soomaaliya ka samaysay dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Waxaa kale oo uu soo qaadan doonaa maalgashiga dalka iyo la-dagaallanka xagjirnimada Soomaaliiya & Geeska Afrika, isla markanaa shirku uu Soomaaliya siinayo fursad ay caalamka ugu bandhigto mudnaanta dhaqaale iyo walaacyada amniga gobolka.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed