Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa khudbad uu ka jeediyay caawa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in dalkiisu si buuxda u taageerayo dadaallada lagu xoojinayo amniga, horumarka iyo awoodda hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Erdogan ayaa sheegay in Turkigu taageerayo dadaallada lagu horumarinayo awoodda hay’adaha dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in xoojinta amniga iyo horumarka ay muhiim u yihiin dowladnimada dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu taageerayo dadaallada lagu gaarayo xabbad-joojin iyo nabad waarta oo laga sameeyo Suudaan. Wuxuu tilmaamay in Turkigu garab taagan yahay dadaallada lagu soo afjarayo colaadda iyo in la helo xal waara oo nabadeed.
Hadalkan ayaa Erdogan ka jeediyay kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo Soomaaliya iyo Turkiga ay leeyihiin xiriir dhow iyo iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan amniga iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
HBN Online Tv

