Dowladda Soomaaliya oo xog ka bixisay tiradii ugu dambeysay ee dadka galay diwaanka qaranka

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Soomaaliya (NIRA) ayaa sheegtay in muddo 3 sano oo ay wado qorshahaha dadweynaha si danabaysan loogu diwaangaliyey meelo badan oo dalka iyo dibaddiisa ay hadda tirada muwaadiniin Soomaaliyeed ah ee la diiwaan galiyay ay gaartay in ka badan 1.5 milyan oo, iyadoo dowladdu qorshaynayso inay 15 milyan oo muwaadiniin iyo dadka dalka deggan diiwaangeliso marka la gaaro 2029.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa xogtan ka sheegay munaasabad lagu xusayay Maalinta Aqoonsiga Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho, iyada oo hay’adda NIRA ay qorshahaan wado tan iyo 2023-kii.

Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay xilligii aysan lahayn nidaam aqoonsi qaran, isla markaana hadda ay jirto hay’ad rasmi ah iyo nidaam casri ah oo lagu aqoonsanayo muwaadiniinta.

Waxaa xusid mudan, in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday 1-dii bishii Luulyo 2026 dhaqan galisay in qof kasta oo codsanaya nuuc walba oo ka mid ah baasaboorka Soomaaliya laga doonayo inuu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka, halka marka la gaaro 1-da bisha soo socota ee Oktoobar ay qasab noqon doonto in muwaadin kasta oo ku safraya gudaha dalka uu haysto Kaarka. Inta ka horreysa waqtigaas, dadka ku safraya gudaha dalka waxaa si ikhtiyaari ah loo weydiin doonaa aqoonsigooda qaranka.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed