Maamulka Puntland ayaa sii daayay dhalinyaro loo diyaarinayay ka mid noqoshada ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo muddo saacado ah lagu hayay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo watay 2 gaari oo ciidan ah, waxaana la sheegay in loo gudbin doono deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.
Dhalinyaradan loo waday ku biirtista ciidamada ayaa lagu qabtay Gaalkacyo iyadoo Puntland ku tilmaamtay “maleeshiyaad” doonayeen sida hadalka loo dhigay inay qalqal amniga gobolka Mudug.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa sheegay in ciidamadu ay ahaayeen sida hadalka uu u yiri kuwo loo soo xawilay Puntland, isagoo xusay in ay tiradooda ay gaareyso 130 askari iyo gaadiidkii ay wateen. Puntland ayaa hore u sheegtay in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka aan lagu arki karin deegaannada ay gacanta ku hayso.
Sidoo kale, kadib dhacdada, haween ku nool dhanka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa bannaanbax ka dhigay magaalada, iyagoo sheegay in dhalinyarada lagu qabtay dhanka Puntland ay yihiin carruurtooda, waxayna dalbadeen in si degdeg ah loo sii daayo.
Dhanka kale, Wasiir ku xigeenka Cadaaladda ee Maamulka Galmudug, Maxamuud Guure Guuleed oo ka hadlay xaaladda ayaa sheegay in qof Puntland dhankeeda ka soo jeeda uu khiyaameeyey sida uu hadalka u dhigay ciidamadan iyo gaadiidkooda, taasina ay keentay in ay ay u gacan galaan Puntland.
Dhanka kale, Qabashada ciidamada ayaa dhalisay hadal-hayn iyo walaac, iyadoo Dowladda Federaalka ay ku adkeysanayso in Ciidanka Xoogga Dalka ay xaq u leeyihiin inay tagaan meel kasta oo dalka ah si ay u gutaan waajibaadkooda amni.
Waxaa xusid mudan in aan weli arrintan dowladda Soomaaliya ka hadlin qabashada Puntland ee ciidamadan oo aan wax xog ah laga heleyn in tababar loo wado iyo in ay soo dhameysteen.
Hbn Online Tv

