Taliska Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday deegaannada Guulane iyo Al-Furqaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe in lagu dilay 4 xubnood oo uu ku jiray horjooge sare oo ka tirsanaa Alshabaab, halka mid kalena lagu dhaawacay.
War saxaafadeed ka soo baxay goordhow NISA ayey ku sheegtay in dadka la dilay uu ka mid ahaa Cumar Siyaad Caraaye, oo ay ku tilmaantay horjooge kooxda ugu magacownaa beel degta gobolka iyo saddex maleeshiyo oo la socotay.
“Afarta dhagar-qabe ee la dilay waxa ay kala ahaayeen Cumar Siyaad Caraaye oo ahaa horjoogaha Khawaarijta u qaabilsanaa mid ka mid ah beelaha dega Gobolka Shabeellaha Dhexe, laba maleeshiyaad ah oo waday mootooyinka ay saarnaayeen horjoogeyaasha iyo dhagar-qabe kale oo ilaalo u ahaa” ayaa lagu yiri warka NISA.
Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in duqeynta ay ka badbaadeen 2 xubnood oo kale, xilli ay ka soo baxayeen kulan ka dhacay deegaanka Guulane.
“Howlgalka waxaa lagu dhaawacay Cabdi Maxamed Nuur oo isna ka mid ahaa horjoogeyaasha Khawaarijta u qaabilsan dhinaca qabaa’ilka. Bartilmaameedyada waxaa si dirqi ah uga badbaaday Cabdullaahi Cali Caraaye iyo Cabdi Daalane oo qeyb ka ahaa horjoogeyaasha la beegsaday” ayaa la sii raaciyey.
Hay’adda ayaa sheegtay in howlgalka ay ka qeyb qaateen ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamka, ayna qeyb ka tahay howlgallo lagu wiiqayo horjoogeyaasha iyo shabakadaha Al-Shabaab.
HBN ONLINE TV

