Madaxweynaah Masar oo si adag u diidday faragalin lagu sameeyo Soomaaliya xilli uu kulan uu la qaatay Agaasimaha CIA-da

Masar ayaa si adag u diidday faragelin kasta oo lagu sameeyo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee amniga iyo xasilloonida dalka.

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayaa mowqifkan sheegay kulan uu maanta la yeeshay agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, John Ratcliffe, kulankaas oo uu sidoo kale ka qaybgalay madaxa sirdoonka Masar, Xasan Rashaad.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay xaaladda Soomaaliya, Geeska Afrika iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ah. Ratcliffe ayaa bogaadiyay doorka Masar ee taageeridda nabadda iyo xasilloonida Afrika, wuxuuna adkeeyay muhiimadda wada-tashi joogto ah oo dhex mara Qaahira iyo Washington.

Labada dhinac waxay sheegeen in iskaashiga sirdoonka iyo amnigu gacan ka geysan karo la-dagaallanka argagixisada, dambiyada abaabulan iyo khataraha xuduudaha ka gudba.

Masar ayaa muujisay inay Soomaaliya u aragto dal muhiim u ah xasilloonida gobolka, amniga Badda Cas iyo guud ahaan Geeska Afrika iyo ilaalinta nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan qawaaniinta.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed