Maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu xoojinayo amniga badda iyo magaalooyinka xeebaha, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha burcad-badeedda, hubka sharci-darrada ah iyo falalka dambiyada abaabulan.
Sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay maamulka, Ciidamada Badda Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay wadaan roondooyin iyo dabagal joogto ah oo ka socda xeebaha, iyadoo ujeeddadu tahay in laga hortago isku day kasta oo lagu afduubayo maraakiibta isticmaasha biyaha caalamiga ah iyo kuwa Soomaaliya.
Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ayaa sheegay in howlgallada si gaar ah loogu qorsheeyay dabagalka kooxaha burcad-badeedda iyo dableyda looga shakisan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan deegaannada xeebaha.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada lagu ilaalinayo amniga ganacsiga badda, badqabka maraakiibta caalamiga ah iyo xasilloonida guud ee xeebaha gobolka Bari ee Soomaaliya, isaga oo carrababaay inuu diyaar u yahay ka hortagga khataraha wax u dhimaya amniga badda iyo isu socodka maraakiibta ee mara biyaha gobolka.
HBN ONLINE TV

