Ciidamada kumaandooska Gorgor ee Soomaaliya oo tababar kula qaatay kumaandooska Turkiga dhulka buuralayda ah ee dalkaasi

Ciidamada kumaandooska Gorgor ee Soomaaliya ayaa kumaandooska Turkiga kala qaybgalay dhoollatus militari oo laga sameeyay gobolka Zincidere (Zinjidere) iyo buurta Erciyes (Erjeeyes), sida ay sheegeen saraakiisha tababarka.

Askarta ayaa fuliyay dhaq-dhaqaaq xeeladaysan oo lagu tijaabinayay adkaysigooda, wada-shaqayntooda iyo awoodda ay uga howlgeli karaan dhul buuraley ah. Isla waqtigaas, cusub ka tirsan kumaandooska Turkiga ayaa gaaray cirifka buurta Erjeeyes, halkaas oo ay ka samayeen sahamin waddooyinka la adeegsan karo.

Sidoo kale, Tababarkan ayaa qayb ka ah iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowladda Turkiga waxay muddo taageero siinaysay ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta, la-talinta iyo horumarinta hoggaanka.

Iskaashiga labada dal ayaa lagu taageerayaa dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo xirfad leh, awoodna u leh si madax-bannaan sugidda amniga qaranka iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Dhanka kale, horaantii bishaan September Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo bandhigtay cusub oo ka tirsan kuwa kumaandooska Gorgor, kuwaa oo loo dhameystiray qalabeyntooda si ay u aadaan furimaha hore ee dagaalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed