Mareykanka oo ogolaaday bixinta qarshka muddo sanad ah uu ku bixinayo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 

Dowladda Mareykanka ayaa oggolaatay in Qaramada Midoobay ay 1 sano oo dheeri ah ku sii waddo qorshaha lagu soo afjarayo taageerada ay siiso ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin diblomaasiyadeed oo la soo saaray. Tallaabadan ayaa yareynaysa walaaca laga qabay in taageerada si degdeg ah loo jaro, balse mustaqbalka howlgalka ayaa weli ah mid aan caddayn.

Washington ayaa bishii Luulyo ka digtay inay hor istaagi doonto taageerada Qaramada Midoobay ee AUSSOM, oo ka caawisa dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxaha Alshabaab iyo Daacish, sida ay sheegeen diblomaasiyiin iyo saraakiil arrintan xog-ogaal u ah.

Howlgalka AUSSOM wuxuu ku tiirsan yahay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo bixiya cunto, biyo, shidaal, adeegyo caafimaad iyo gaadiidka ciidamada.

Sida oo kale, Diblomaasiyiin codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka ay toddobaadkii hore safaaradaha ku wargeliyeen in Washington ay taageeri doonto 12 bilood oo kala-guur ah, kaas oo bilaabanaya bisha Janaayo, kadibna loo gudbi doono in la soo afjaro howlaha UNSOS.

Haddii muddo kordhintan aysan jiri lahayn, taageerada Qaramada Midoobay waxay dhammaan lahayd bisha soo socota ee Diseembar, markaane uu dhacayo waajibaadka UNSOS. AUSSOM ayaa sidoo kale wajahaysa dhaqaale xumo weyn oo dhanka maalgelinta ah.

Mareykanka ayaa sanadkii hore hor istaagay soo jeedin ahayd in dhaqaalaha Qaramada Midoobay uu daboolo saddex-meelood meel (75%) miisaaniyadda sannadlaha ah ee howlgalka, taas oo dhan 190 milyan oo doolar.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed