AFRICOM oo faahfaahin ka bixisay duqeyn DFS uu la kaashaday oo ka dhacday gobolka Sanaag 

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay maalinimadii Khamiista duqeyn ka fuliyeen gobolka Sanaag ee waqooyiga bari ee Soomaaliya ee Puntland.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta lagu bartilmaameedsaday bakhaar lagu kaydinayay hubka caadiga ah oo ay lahaayeen kooxda Alshabaab. Sida uu talisku sheegay, goobta la weeraray waxay ku taallay qiyaastii 80-km meel koonfur-galbeed kaga aadan magaalada Boosaaso.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in howlgalka ay iska kaashadeen DFS iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay in la wiiqo awoodda Alshabaab ee ay ugu hanjabi karto sida hadalka loo dhigay ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda jooga.

Sidoo kale, AFRICOM ma aanay sheegin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha hub ee kooxda Alshabaab soo gaaray iyo inta xubnood ee ilaalada ka ahayd hubkaasi ee dhimasho ama dhaawac ku noqotay.

Dhanka kale, Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa khamiistii todobaadkii hore sheegtay in ciidamadeeda oo garab ka helayey kuwa Mareykanka ay si wadajir ah u fuliyeen duqeyn ka dhan ah Alshabaab oo ka dhacday buuraha Calmadow iyo Golis, taasi oo lagu beegsaday goob lagu magacaabo Markad oo la tilmaamay in Alshabaab u adeegsan jirtay sida hadalka loo dhigtay kaydinta hubka iyo rasaasta.

Muddooyinkii dambe, ciidamada Puntland ayaa howlgallo ka waday dhulka buuraleyda ah ee Calmadow, Calmiskaad iyo Golis, iyaga oo taageero ka helaya taliska howlgalada Mareykanka ee AFRICOM. Buurahan ayaa Puntland weli waxay ka wadaa howlgalada ka dhanka ah haraadiga Daacish oo fariisimo ku leh, iyada oo sheegtay inay ciidamada u suurtagashay inay la wareegaan dhul ballaaran.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed