Taiwan oo si adag uga jawaabtay warqad carro ka muuqatay oo Shiinaha digniin ugu diray Somaliland

Xafiiska Taiwan ee magaalada Hargeysa ayaa si adag uga jawaabay hadallo ay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ka soo saartay xiriirka Somaliland iyo Taiwan, iyo sheegashada Beijing ee ku saabsan xaaladda labada dhinac.

War saxaafadeed la sii daayay galinkii dambe ee maanta, ayaa wakiilka Taiwan ku beeniyay sheegashada Shiinaha ee ah “in Taiwan ay qayb ka tahay Shiinaha”, halka Somaliland-na ay qayb ka tahay Soomaaliya. Xafiisku wuxuu ku adkaystay mowqifka xukuumaddiisa ee ku aaddan xiriirka iyo iskaashiga Taiwan iyo Somaliland.

Sidoo kale, Xafiiska Taiwan ayaa soo dhaweeyay taageerada Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro uu u muujiyay sida hadalka loo dhigay xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac. Waxa uu sheegay in taageerada ay ka helayaan dalal kale oo dimuqraadi ah ay sii kordhayso, taas oo uu ku tilmaamay fursad lagu xoojin karo iskaashiga labada dhinac.

Taiwan waxay sheegtay in Taiwan iyo Shiinaha aysan midba midka kale hoos iman, iyadoo ku dooday in Qaraarka Qaramada Midoobay ee 2758 uusan Taiwan xusin, ama Shiinaha siin awood uu Taiwan ku matalo. Waxay ugu baaqday Safaaradda Shiinaha inay joojiso cadaadiska iyo hadallada ka dhanka ah xiriirka Taiwan iyo Somaliland.

Dhanka kale, hadalkan ayaa yimid kadib markii Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ay shalay Somaliland uga digtay cawaaqib xumo, kaddib hadallo uu madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Taiwan ugu tilmaamay dal madax-bannaan. Beijing ayaa sheegtay inay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda, iyadoo ku adkaysatay mabda’a “Shiine hal ah” iyo in dowladdeedu tahay tan keliya ee matasha Shiinaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed