Hay’adaha ammaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 180 qof oo loo heysto dambiyo hubeysan, Maandooriye iyo kuwo si sharci darro ah dalka ku joogay, kadib howlgal ballaaran oo laga fuliyay dhowr goobood oo loo tilmaamay in loo aqoonsaday meelaha ay ka dhacaan falal dambiyeedyada.
Dadka la qabtay waxaa ka mid ahaa sida la sheegay shaqsiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxo dambiilayaal abaabulan ah, iyadoo qaar lagu qabtay Midiyo, sidoo kalena lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen sida hadalka loo dhigay falal la xiriira baad iyo lacag-dalabasho qasab ah. Ma sheegin ciidanka Booliska Jabuuti oo howlgalkan fuliyey heerka ay gaarsiisan tahay iyo waxa ka dhashay.
Sidoo kale, Ciidamada Booliska ayaa intii uu socday howlgalka sheegay in gacanta ay ku dhigeen tobanaan dhalo khamri ah oo lagu iibinayay goobo ay iibintoodu mamnuuc ka tahay. Dhammaan dadka la tuhunsan yahay ayaa loo gudbiyay hay’adaha garsoorka ee ay khusayso, halkaas oo ay ka socdaan habraacyada iyo baaritaannada sharciga ah.
Dhanka kale, Warka Ciidanka ayaa lagu sheegayin ajaanibta si sharci-darro ah dalka ugu sugan in qaar kamid ah howlgalka lagu soo qabtay, waxaana la tilmaamay in marka baaritaanada dowlada dib loogu celinayo dalalkoodii, iyadoo la raacayo xeerarka iyo shuruucda Jabuuti. Lama sheegin tirada rasmiga ah ee dadkaasi inta ay dhan tahay, marka laga reebo in isla xogtan lagu xusay.
HBN ONLINE TV

