Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya ayaa sheegtay inay heshay xog ku saabsan hanjabaado suurtagal ah oo ku wajahan ajaanibta, oo ay ku jiraan muwaadiniinta Mareykanka, gudaha Aagga deegaannada gobolka Doolo ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida.
War-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in khatarta amni ee haysata ajaanibta u safraysa Doolo ay korortay, waxaan Sidaas darteed, shaqaalaha dowladda Mareykanka laga mamnuucay inay deegaankaas tagaan, haddii aysan helin oggolaansho gaar ah.
Safaaraddu waxay muwaadiniinta Mareykanka kula talisay inaysan u safrin dhulka aagga Doolo. Ma aysan shaacin nooca hanjabaadaha, cidda ka dambaysa iyo muddada ay digniintu jiri doonto.
Dadka ku sugan gobolka waxaa lagu boorriyey inay feejignaadaan, la socdaan xaaladda amniga, kana fogaadaan safarrada aan muhiimka ahayn.
Dhanka kale, weli maamulka deegaanka Soomaalida ee gobolka kama uusan jawaabin digniintan ay soo saartay Safaaradda Maraykanka ee Itoobiya.
HBN ONLINE TV

