Siyaasiyiinta & waxgaradka mid ka mid ah beelaha dawlad goboleedka HirShabelle ee gobolka Hiiraan ayaa shir xasaasi ah oo ay lahaayeen muddo saddex maalmood ah isla markaana ay kaga hadlayeen xaaladda siyaasadeed iyo hanaanka dhismaha maamulka ayaa soo soo saaray qodob culus oo ka dhan doorashada lagu wado in dhamaadka bishaan lagu qabto deegaanadaasi.
Warsaxaafadeed ay soo saareen ka dib shirkooda ayay ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka iyo habraacyada siyaasadeed ee ka socda Hiiraan, iyaga oo sheegay in aan la aqbali karin sida bayaanka ay ku sheegeen hannaan aan ku dhisnayn heshiis iyo oggolaanshaha bulshada deegaanka.
Sidoo kale, bayaankooda waxay ku baaqeen in dhismaha Hirshabellada 3-aad loo maro hannaan loo dhan yahay oo ku saleysan caddaalad, matalaad iyo awood-qaybsi ay dhinacyadu isku raacsan yihiin, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo tabashooyinka siyaasadeed ee ka jira gobolka Hiiraan.
“Waa in la joojiyo dhammaan doorashooyinka iyo habraacyada aan ku dhisnayn heshiiska iyo oggolaanshaha bulshada,” ayaa lagu yiri go’aamada kasoo baxay kulanka.
War-murtiyeedka waxaa warbaahinta u akhriyey Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xiirey Axmed Rooble, isaga oo sheegay in aysan aqbali karin in hannaan siyaasadeed oo Hiiraan ah la sameeyo, iyadoo aan laga qaybgelin bulshada deegaanka. Wuxuu guddiga doorashooyinka sheegay in masuuliyadda ay qaadi doonaan wax walba oo ka dhasha doorashda oo uu tilmaamay in aan heshiis lagu aheyn.
Xubnaha soo saaray bayaanka waxay sheegeen in aan la dhisi karin Hirshabelle waarta iyadoo la iska indha tirayo rabitaanka bulshada Hiiraan, waxayna ku baaqeen in la raadiyo xal siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi, is-afgarad iyo heshiis bulsho, si loo helo hannaan cusub oo loo dhan yahay.
Go’aankan wuxuu ku soo aadayaa, xilli ay Hirshabeelle ka jiraan dooddo iyo khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashada iyo sida loo maamulayo geeddi-socodka doorashooyinka.
Sida aad la socoteen idaacadaheenii hore waxaan idiinkugu soo gudbiyey Madaxweyne ku-xigeenka maamulka, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo si cad uga horyimid in doorashada laga qabto gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in marka hore loo baahan yahay heshiis siyaasadeed. Dabageed ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay kaga baxday sida uu ku dooday ballan la xiriirtay saami-qeybsiga xilka madaxweynaha Hirshabeelle, gaar ahaan xaqa uu sheegay inuu leeyahay gobolka uu matalo ee Hiiraan.
HBN ONLINE TV

