Dowladda Jabuuti ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay si degdeg ah u bixiso taageero dhaqaale oo wax looga qabanayo qulqulka sii kordhaya ee qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti Cumar Cabdi Saciid ayaa sheegay in tirada dadka Yemen ka soo gudbaya ay gaari karto 10-kun qof toddobaadyada soo socda, taas oo cadaadis weyn ku sii kordhinaysa awoodda dalka ee soo dhaweynta & daryeelka dadka soo gaaraya.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in tan iyo 10-kii bishaan Sebtembar ay Jabuuti soo gaareen 2,512 qof, isaga oo xusay in baaxadda dhibaatada iyo xawaaraha ay ku sii kordhayso ay durba ka sarreeyaan awoodda & kheyraadka dowladda.
“Dowladda Jabuuti, iyadoo kaashanaysa dhinacyada ay khusayso, waxay dadka soo gaaraya u sameysay xarumo ammaan ah oo ku-meel-gaar ah oo lagu soo dhaweeyo, balse waxay wajahaysaa cadaadis sii kordhaya, sababo la xiriira hoos u dhaca maalgelinta caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Cumar.
Jabuuti ayaa caqanaha jira awgeed waxay Beesha Caalamka ugu baaqday inay si degdeg ah u abaabusho dhaqaale iyo taageero dheeraad ah, si dalka looga caawiyo wax ka qabashada xaaladda qaxootiga Yemen.
HBN ONLINE TV

