Dowladda Shiinaha “Maamulka Somaliland wuxuu si cad ugu xadgudbay mabda’a ‘Shiine-Hal ah’

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa xukuumadda Somaliland uga digtay cawaaqib xumo ka dhalan kara faragalinta siyaasadda dalkeeda, kaddib hadallo uu madaxweynaha maamulkaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ka sheegay arrinta Taiwan oo ku tilmaamay dal madax banaan.

War saxaafadeed ay soo saartay Safaaradda ayaa lagu sheegay in maamulka Somaliland uu jabiyay sida hadalka loo dhigay mabda’a dalweynaha Shiinaha, iyada oo Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda. Shiinuhu wuxuu sheegay inuu si adag uga soo horjeedo tallaabo kasta oo uu ku tilmaamay faragelinta arrinta Taiwan la xariirta.

Taiwan waligeed ma noqon dal, mana noqon doonto dal. Dunida waxaa ka jira Shiinaha oo hal ah keliya. Gobolka Taiwan waa qayb aan laga goyn karin dhulka Shiinaha, waxaana Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ay tahay dowladda keliya ee sharci ahaan matasha Shiinaha oo dhan” ayaa lagu yiri warka Safaaradda Shiinaha.

Safaradda ayaa bayaankeeda ku sheegtay markale in Somaliland ku xadgudubtay jiritaanka midnimada dalka Shiinaha, iyada oo cambaareysay.

Maamulka Somaliland wuxuu si cad ugu xadgudbay mabda’a ‘Shiine-Hal ah’, wuxuuna si weyn ugu xadgudbay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha. Dhinaca Shiinuhu si adag ayuu uga soo horjeedaa, wuxuuna si xooggan u cambaareynayaa tallaabadan” ayaa lagu yiri bayaanka Safaaradda Shiinaha.

Sidoo kale, Safaaradda oo masuuliyiinta Somaliland ku tilmaamay tiro yar ayaa ku dooday inay u aragto qayb ka mid ah Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay taageerayso mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo midnimada dhuleed ee dalka. Dowladda Shiinaha ayaa intaas ku dartay in tallaabooyinka laga qaado arrinta Taiwan ay keeni karaan “cawaaqib xumo daran.

Waxaan ugu baaqaynaa siyaasiyiinta tirada yar ee arrintan ku lug leh inay si dhab ah u fahmaan xaqiiqada jirta. Ku xadgudubka xadka arrinta Taiwan wuxuu horseedi doonaa cawaaqib culus. Somaliland waa qayb aan laga goyn karin dhulka Soomaaliya” ayaa lagu yiri markale Bayaanka Safaaaradda.

Ugu dambeyne, Safaaradda ayaa sheegtay in Dowladda Shiinaha ay si adag u taageersan tahay DFS, dadaalladeeda ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee qaranka, ayna ka soo horjeedo tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliya.

Ilaa hadda Somaliand kama jawaabin warkan ka soo yeeray Dowladda Shiinaha oo looga digayo in fagaarayaasha la yimaadaan qadiyadda Taiwan.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed