Shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen maant Golaha Wasiirrada Urur-goboleedka IGAD ayaa ka furmay caasimada dalka Jabuuti, iyadoo Kalfadhiga 74-aad looga hadlay xaaladda nabad, amniga iyo iskaashiga Geeska Afrika.
Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in gobolka uu wajahayo caqabado amni iyo bani’aadannimo oo ay ka mid yihiin colaadaha, cunto-yarida iyo barakaca. Waxa uu xusay in ku dhowaad 49 milyan oo qof ay wajahayaan cunto-yari daran, halka in ka badan 19 milyan oo qof ay gudaha dalalkooda ku barakaceen, iyadoo Suudaan ay weli ka mid tahay meelaha ay xaaladdu ugu daran tahay.
Sidoo kale, Workneh ayaa sheegay in horumar laga sameeyay dhinacyada digniinta hore, caafimaadka, maamulka biyaha iyo kormeerka doorashooyinka. Waxa uu dalalka xubnaha ka ah IGAD ugu baaqay inay xoojiyaan taageerada dhaqaale iyo siyaasadeed, xalliyaan deymaha ururka lagu leeyahay, isla markaana sameeyaan hannaan maaliyadeed oo waara.
Waxa uu ku baaqay in gobolka looga diyaargaroobo saameynta El Niño, taasi oo meelaha ay sida weyn u saameyn doonto tahay Soomaaliya iyo iskaashiga tiknoolajiyadda iyo sirdoonka macmalka ah.
Soomaaliya ayaa shirka waxaa uga qeybgalay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD ayaa sidoo kale ka wada hadlaya xoojinta iskaashiga gobolka, dib-u-habaynta hay’adaha ururka iyo hirgelinta heshiiska IGAD, iyadoo la filayo in dhammaadka shirka laga soo saaro war-murtiyeed ka tarjumaya go’aannada iyo natiijooyinka kulanka.
HBN ONLINE TV

