Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa goor dhow oo caawa ah baahisay xogta iyo sawirrada 11 xubnood oo ay sheegtay inay ka tirsan yihiin Alshabaab, kuwaas oo lagu qabtay howlgallo laga sameeyey magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
War saxaafadeed ka soo baxay ayey ku sheegtay inay burburisay shabakadan oo ka howlgalaysay degmooyinka duleedka Caasiamdda ee Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye.
Sidoo kale, NISA ayaa tilmaantay in Ciidamadeedu gacanta ku dhigeen hub iyo agab kale oo la sheegay in loo diyaariyey sida hadalka loo dhigay fulinta falalka amni-darrada ah ee Muqdisho.
Hay’adda ayaa sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan.
HBN ONLINE TV

