Puntland oo digniin adag ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha madax-furashada ah ee la siiyo kooxaha burcad-badeedda ah ee maraakiibta ku haysta xeebaha Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa lagu sheegay in bixinta dhaqaale loo diro kooxaha burcad-badeedda ay sii xoojin karto, isla markaana dhiirrigelin karto falalka burcad-badeednimada.

Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in falalka burcad badeednimada ay hurinayaan kooxo ay ku tilmaantay kuwo doonaya inay wax u dhimaan sumcadda Puntland, balse wasaaraddu aysan magacaabin kooxahaas.

Maamulka Puntland ayaa horey Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu eedeeyay inay door ku leedahay arrimo la xiriira amniga iyo burcad-badeednimada ka jirta xeebaha Puntland sida ay ku dooday, eedeymahaas oo dowladda federaalku horay u beenisay.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli la sheegay in xeebaha Puntland lagu hayo 6 markab, iyadoo kooxaha qafaashay maraakiibtaasi ay dalbanayaan lacago madax-furasho ah oo gaaraya malaayiin doolar.

Puntland ayaa ku adkeysatay in bixinta lacagaha madax-furashada aysan ahayn xal waara, balse ay abuuri karto dhiirrigelin cusub oo horseedda afduubyo iyo weerarro kale oo ka dhaca xeebaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed