Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasadeedka Towfiiq, Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golayaaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Galmudug, isagoo sheegay in go’aankaasi rajo cusub u abuurayo shacabka.
Sheekh Shaakir oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dadaalkii iyo cabashooyinkii ay gudbiyeen ay miro dhaleen, isla markaana Maxkamaddu tixgelisay cabashooyinkooda.
Waxa uu shacabka ugu baaqay inay go’aanka Maxkamadda ku soo dhaweeyaan si nabad ah, isaga oo ciidamada qalabka sida iyo dowladda federaalka ugu baaqay inay ilaaliyaan amniga iyo shacabka, xilli ay bulshada qaybaheeda kala duwan muujinayaan rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah.
“Xisbiga Towfiiq waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay Maxkamadda Sare ee dalku ku laashay natiijada doorasho ee Galmudug” ayuu yiri Sheekh Shaakir.
Sidoo kale, Sheekha ayaa sheegay in Xisbiga Towfiiq muddo 8 bilood ah u taagnaa sida uu hadalk u dhigay doorasho xor iyo xalaal ah, isagoo go’aanka Maxkamadda ku tilmaamay mid xaqiijinaya dadaalkooda.
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in natiijadii doorashooyinkii Golayaasha Wakiillada & deegaanka Galmudug ee 30-kii Luulyo 2026 dhacday aanay waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.
Ilaa hadda, arrintan madaxda dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo guddiga doorashooyinka kama aanay jawaabin go’aanka ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka.
HBN ONLINE TV

