Xildhibaanada Golaha Shacabka oo loo jeediyay digniin culus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa digniin culus u diray Xildhibaanada ka maqnaada kulamada Golaha, isagoo sheegay in laga doonayo Xildhibaan kasta inuu si buuxda uga qeyb galo fadhiyada Baarlamaanka.

Jaamac oo soo xiray kulanka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada ku wargaliyey in si adag loo dhaqan gelinayo xeer-hoosaadka Golaha, gaar ahaan qodobka 23-aad, farqaddiisa 13-aad, kaas oo dhigaya in Xildhibaanka soo xaadira fadhiga uu dhammeysto kulanka, haddii aysan jirin duruufo khasab ah ama fasax rasmi ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Xildhibaanka soo xaadira bilowga fadhiga, balse ka baxa inta uu kulanku socdo, isaga oo aan fasax haysan, loo aqoonsan doono inuu ka maqnaa fadhiga.

“Waxaan rabaa mar labaad inaan digniin halkaan ka diro. Waxaan ku ballanay in xeer-hoosaadka la ilaaliyo,” ayuu yiri Guddoomiye Jaamac, isagoo Xildhibaanada ugu baaqay inay u hoggaansamaan nidaamka Golaha.

“Haddii Xildhibaanku soo xaadiro bilowga fadhiga, kadibna iska baxo fasax la’aan, iyada oo fadhigii weli socdo wuxuu la mid yahay , lana xukun yahay Xidlhibaan ka maqan fadhiga, sidaasaana loo diwaan galinayaa, laguna xisaabinayaa wixii xeer hoosaadku ka qabo. Arrinkaas waxaa rabaa inuu dhab noqdo oo hadhawdii la isku eed eedin wixii ka dhasha” ayuu yiri markale gudoomiye Jaamac.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in tallaabooyinka laga qaadayo Xildhibaanada ku xadgudba xeer-hoosaadka ay noqdaan kuwo dhab ah, si looga fogaado muran iyo eedeymo dambe oo ka dhasha maqnaanshaha kulamada Baarlamaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed