Maxkamad Maraykan ah oo meesha ka saartay hakintii fiisaha ee saameysay Soomaalida

Maxkamad heer federaal ah oo ku taalla wadanka Mareykanka ayaa meesha ka saartay siyaasadda maamulka Madaxweyne Donald Trump ee lagu hakiyey bixinta fiisaha muhaajiriinta ee muwaadiniinta 75 dal, oo Soomaaliya ay ku jirto, taasi oo fursad cusub u abuureysa Soomaalida ay hakintu saameysay in codsiyadooda dib loogu qiimeeyo si shaqsi ah.

Garsoore Jeannette Vargas oo ka tirsan Maxkamadda Federaalka ee Koonfurta New York ayaa Jimcihii ku tilmaantay siyaasaddaas mid “si cad u ah sharci-darro”, iyada oo sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio uu dhaafay awoodda sharcigu siinayo markii uu amray hakinta guud ee Fiisooyinka socdaalka.

Go’aanka ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaalida doonaysa inay si rasmi ah ugu soo guuraan Mareykanka, gaar ahaan dadka leh codsiyada ku saleysan mideynta qoysaska iyo noocyada kale ee Fiisooyinka socdaalka (immigrant visa).

Maxkamaddu waxay sheegtay in sharciga socdaalka Mareykanku awoodda qiimeynta codsi kasta siinayo saraakiisha qunsuliyadaha, isla markaana aan codsadayaasha si guud loogu diidi karin fiisaha iyadoo lagu saleynayo oo keliya waddanka ay ka soo jeedaan.

Si kastaba, xukunkan macnaheedu ma aha in dhammaan xayiraadaha kale ee socdaalka ee Soomaalida si toos ah meesha uga baxeen, mana dammaanad qaadayo in qof kasta oo Soomaali ah la siin doono fiise dhanka socdaalka ah. Codsade kasta waa inuu weli buuxiyaa shuruudaha sharciga socdaalka Mareykanka.

Go’aanka maxkamadda ayaa meesha ka saaraya siyaasaddii gaarka ahayd ee 75-ka dal, taasi oo maamulka Trump uu bishii Janaayo ku sababeeyey walaac laga qabay in qaar ka mid ah muhaajiriinta ay mustaqbalka ku tiirsanaan karaan kaalmada dowladda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed