Wararka laga helayo xeebaha Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in duqeyn culus oo ka dhacday maanta deegaanka Argeegto ee hoos taga degmada Godobjiiraan lagu beegsaday doon aan weli la xaqiijin cidda la socotay, taasi oo khasaare dhimasho ay ka dhasheen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeynta ay ku dhinteen ilaa 7 qof oo la socday doonta, xilli ay mareysay xeebaha deegaanka.
Sidoo kale, Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in goobta lagu hayo markabka Lutuf oo la sheegay inuu u rarnaa dalka Turkiga, isla markaana ay gacanta ku dhigeen burcad-badeed.
Duqeyntan ayaa noqonaysa tii 3-aad ee ka dhacda xeebaha Gobolka Nugaal, iyadoo weerarradii hore lagu eedeeyay ciidamada Turkiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya. Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin cidda fulisay duqeynta, dowladda Turkigune kama hadlin.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay kordheen howlgallada ka dhanka ah kooxaha Burcad-badeedda ee maraakiibta afduubta, iyadoo toddobaadkii hore la sheegay in markab kale la qafaashay, arrintaas oo walaac ku dhalisay dalalka maraakiibtoodu isticmaalaan biyaha Soomaaliya.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

