Waxaa ku soo gabagaboobay galabta magaalada Muqdisho wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo guddi matalayey Xildhibaannada Mucaaraadka, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay dhinacyadu isku arkeen kulan ka fool ka fool ah.
Wadahadalladan oo ku qabsoomay sida la soo wariyey jawi deggan ayaa looga arrinsaday sidii xal loogu heli lahaa khilaafkaadka xildhibaanada Mucaaradka ah gudah Golaha, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta Xildhibaannada.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay golaha Shacabka Soomaaliya, Dhinacyada ayaa waxay isku raaceen ku dhawaad 10 qodob oo Meesha ka saaraya in khilaafka xal loo helo, waxaana la isla qaatay sida la tilmaamay in Dhexdhexaadnimo iyo Midnimada Golaha.
Bayaana la soo saaray ayaa lagu yiri “Goluhu waa in u ahaado mid dhexdhexaad u ah dhammaan dhinacyada, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo loona dhowro Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka. In la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo wada-shaqeynta Xildhibaannada, si howlaha sharci-dejinta, Matalaadda iyo korjoogteynta hay’adaha Dowladda ay ugu socdaan si habsami leh oo wax-ku-ool ah si waafasan qodobka 7aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka”.
Xildhibaan kasta oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa la tilmaamay in xaq uu u leeyahay in si xor ah u cabbiro aragtidiisa iyo fikirkiisa, iyadoo la dhowrayo Qodobka 28-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.
Sidoo kale, warka la soo saaray ayaa dhigaya in Ilaalinta xaadirista fadhiyada Golaha, isaga oo ku booriyey dhinacyada in si wadajir ah looga soo qaybgalo fadhiyada Golaha.
“Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mucaaradka waxay isku raaceen in si wadajir ah looga soo qaybgalo fadhiyada Golaha, si waafaqsan qodobka 23aad, farqigiisa 1aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka” ayaa la sii raaciyey warka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Jaamac, iyo Xildhibaannada Mucaaradka waxay ugu baaqeen dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada Baarlamaanka, xoojiyaan wadajirka Golaha, kana shaqeeyaan danta guud iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

