Mucaaradk Soomaaliya oo DFS ku eedeeyey in shacabka Muqdisho u adeegsatay awooddii ciidamada qaranka

Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa si adag uga hadlay howlgalka maanta ciidamada ammaanka ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan magaalada Muqdisho. Siyaasiyiinta ayaa dowladda ku eedeeyay in ciidamadii loogu talagalay sugidda amniga shacabka loo adeegsanayo sida hadalka ay u dhigeen howlgallo ay sheegeen inay sababeen barakac iyo burbur hantiyeed.

Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ciidamo militari & cagaf-cagafyo Ciidamada Xoogga lagu arkayay howlgallada ka dhacay xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid, lana kiciyey diyaarado joog hoose ku socda, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay cabsi ku abuureen shacabka. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda in dadka laga barakicinayo sida uu hadalka u dhigay dhulkooda si loo helo dano kale oo la xiriira helitaan dhaqaale.

“Baryihii la soo dhaafay waxaa la arkaayey Cagaf-Cagafyadii Ciidanka xoogga oo dhulka lagu duminaayo, Maantane waxaa la arkaaye Ciidamada  Milateriga oo dadka dhashiike ku ridaaya, Waxaa la arkaaye Diyaarado joog hoose ku socda oo dadka Cabsi galinaaya. “Waxa dadka loo barakicinayo dhulkooda in la iibsado waaye, wax kale ma aha” Madaxweyne hore Shariif Sheekh.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale dhaliilay habka loo wajahayo arrimaha amniga iyo maamulka dhulka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa si gaar ah u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “tallaabo gurracan” oo ay qaaday dowladda, taas oo lagu beegsanayo dadka shacabka ah, xili ay boqolaal qoys ay wajahaan barakac iyo khasaaro naf iyo maalba leh.

Dhanka kale, Shariif ayaa sheegay in ciidamada Qaranka loo dhisay ilaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta, balse aan loo adeegsan karin barakicinta qoysaska iyo burburinta hantidooda, waxaana uu dowladda ugu baaqay inay joojiso tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwo ka dhan ah shacabka.

Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha siyaasiyiinta mucaaradka ee ku saabsan howlgalka iyo sababta loo fuliyay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed