Soomaaliya oo isu diyaarinaysa maalgashiga “aagagga dihan” ee sahminta shidaalka dalka

Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadaha doonaya inay maalgashi ku sameeyaan waaxda shidaalka Soomaaliya loo diyaarinayo hannaan tartan furan ah, xilli dowladdu sheegtay in dalka uu marayo marxaladihii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdulqaadir Aadan, ayaa sheegay in tababar ay ka qaybgaleen masuuliyiin iyo khubaro ka kala socotay Wasaaradaha Maaliyadda, Batroolka iyo Hay’adda Batroolka lagu darsayay habka loo maamulayo tartanka shirkadaha danaynaya maalgashiga shidaalka.

Waxa uu sheegay in tababarka, oo taageero ka helay Dowladda Canada, diiradda lagu saaray dib-u-eegista hannaanka tartanka, si shirkadaha xiisaynaya shidaalka Soomaaliya ay u helaan hannaan cad oo furan.

Sidoo kale, Waxa uu xusay in la rajaynayo in taageerada iyo tababarrada farsamo ay sii socdaan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo laga filayo natiijooyin muuqda oo sahminta shidaalka ah bilaha soo socda. Wuxuu tilmaamay in haddii shidaal la helo ay si weyn u kordhin karto xiisaha maalgashadayaasha caalamiga ah, isla markaana ay wax ka beddeli karto wada-xaajoodyada mustaqbalka ee lala geli doono shirkadaha shidaalka.

Cabdulqaadir Aadan ayaa sidoo kale sheegay in horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo amniga badda uu Soomaaliya ka dhigay meel maalgashi oo soo jiidasho leh, iyadoo hoos u dhaca khataraha iyo kharashaadka caymiska maraakiibta ay fududeynayaan maalgashiga. Waxa uu sheegay in Soomaaliya weli tahay “aag dihan” oo ah suuq cusub oo aan si buuxda loo sahmin, iyadoo la filayo in bisha Oktoobar ee sanadkan la gaaro marxalad muhiim ah oo ku saabsan natiijooyinka sahminta shidaalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed