Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeya 2 maleeshiyo beeleed oo ka dhacay xaafadda Buulo Bacley ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee dhanka Puntland.
Dagaalka ayaa la soo wariyey inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dadka ku dhaawacmay iska horimaadka loo qaaday xarumaha caafimaadka ee magaalada. Lama soo sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan.
Ilaa hadda ma jirto cid kala dhex gashay maleeshiyaadka─si loo joojiyo dagaalka, inkasta oo la soo tabiyey in dagaalka hadda uu joogsaday, sida dad goobjoogayaal ah aan ka soo xinay.
Xaaladda Buulo Bacley ayaa laga muujinayaa cabsi xooggan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in rasaastu si xiriir ah uga socotay halkaasi muddo ku dhow 2 saacadood. Dhinacyada la tilmaamay in horey dhowr jeer ugu dagaallameen aggaasi, waxaana dagaalkoodu la xariira aanooyin qabiil iyo dilaal horey u dhacay.
Isha ku haay HBN ONILNE TV

