Faahafaahin: Booliska Mahadaay oo dilay xubno Alshabaab qarax aasayey

Ciidanka Booliska ee degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijiyey in toogasho ay ku dileen rag lagu sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Alshabaab, kadib markii ay ku eedeeyeen inay wadeen falal ka dhan ammaanka magaalada. Raggaan la dilay oo 2 ahaa Boolisku sheegay inay miinooyin ku aasayeen agagaarka Suuqa Xoolaha ee degmada.

Taliyaha Saldhigga Booliska Mahadaay, Gaashaanle Saleebaan Maxamed Cumar, ayaa sheegay in ciidamadu ay si qorsheysan u fuliyeen howlgalka, ayna ka hortageen khatarta miinooyin loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo ciidamada amniga.

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, labada nin ayaa goobta ku aasayay laba miino, iyada oo mid ka mid ahna uu qarxay, halka tan kale ay ciidamadu goobta ka qaadeen. Saraakiishu waxay sidoo kale soo bandhigeen muuqaalka labada nin ee lagu dilay howlgalka.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay feejignaan ka muujiyeen ka hortagga weerarka, iyadoo ay naadir tahay in xubno Alshabaab ah lagu qabto ama lagu dilo xilli ay miinooyin ku aasayaan waddooyinka iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed