Soomaaliya & Pakistan oo guda-galay hirgalinta qoshe iskaashiga Difaac labada dowladooda ah

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo kulan kula yeeshay Muqdisho Safiirka cusub ee Pakistan u fadhiya Soomaaliya, Aqsa Nawaz, ayaa waxaa dhinacyadu kaga soo saareen go’aano lagu dardargalinayo qoshaha Istiraajiga ah ee Iskaashiga Difaaca oo labada dowladooda ah, halka la xoojinta doono iskaashiga difaaca ee labada dal.

Kulanka ayaa la tilmaamay in diiradda lagu saaray hirgelinta is-afgaradka Soomaaliya iyo Pakistan iyo dardargelinta wada-shaqeynta dhinacyada tababarka, tayeynta iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Labada dhinac ayaa ka wadahadlay horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo ballaarinta iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, iyadoo lagu saleynayo sida hadalka loo dhigay danaha wadajirka ah iyo ixtiraamka labada dal.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, iyo U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Pakistan, Kornayl Maxamed Inam Khattak.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarka iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed