Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal la tilmaamay inuu ahaa mid qorsheysan oo ciidamada ammaanka ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumo ay Alshabaab ku lahaayeen deegaanka.
Howlgalka oo dhacay xalay ayaa laga carrabaabay in laga fuliyay deegaan ku yaalla qiyaastii 30 kiiloomitir duleedka Baydhaba, waxaana ciidamada ay weerareen 3 xarumood oo ay kooxda Alshabaab ku sugnaayeen.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada ay adeegsadeen madaafiic iyo hub culus, ayna burburiyeen xarumihii la bartilmaameedsaday.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Amniga, howlgalka waxaa lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, halka tiro kalena lagu dhaawacay.
Howlgalka ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda amni ee Koonfur Galbeed ay kacsan tahay, gaar ahaan Baydhaba, halkaas oo ay ka dhaceen isku dhacyo hubeysan oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda iyo ciidamada kala taageersan maamulka cusub iyo maamulkii hore.
Ciidamada ammaanka ayaa la soo waraniyaa weli inay wadaan howlgallo ka socda duleedka Baydhaba, kuwaas oo lagu sheegay in looga gol leeyahay xoojinta amniga magaalada iyo ka hortagga weerarro ay kooxaha hubeysan ka soo qaadaan deegaannada ku dhow magaalada.
17-kii bishaan August, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Alshabaab iyo maleeshiyaad taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay weeraro isku dhafan oo dhowr jiho ah ku qaadeen magaalada Baydhabo.
Inta weeraradu socdeen Taliska ciidamada xoogga ayaa sheegay inay is qarxiyeen 2 gaari oo laga soo buuxiyay sida hadalka loo dhigay waxyaabaha qarxa, halka ay la tilmaamay in lagu dilay tiro 30 maleeshiyaad ah, kuwo kalane la qabtay.
HBN ONLINE TV

