Qaramada Midoobey oo Digniin iyo xaalad culus ka soo saartay xaaladda macaluul ee Soomaaliya

Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad sii xumaanaysa oo dhanka gaajada ah, iyadoo xilliyo roobaadyo isdaba-joog ah oo soo noqnoqday ay burburiyeen dalagyadii beeraha, dileen xoolihii, isla markaana ay yaraadeen ilihii biyaha. Xaaladda ayaa ku soo aadeysa iyadoo dalka uu weli la tacaalayo colaado daba dheeraaday iyo isbeddelka cimilada.

Afhayeenka UNICEF, James Elder, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku dhowaanayso xaalad macaluul oo kale, isagoo tilmaamay in dadka ay wajahayaan dhibaatooyin cimilo oo isdaba-joog ah iyo colaado baahsan. Wuxuu sheegay in boqolaal xarumo caafimaad iyo nafaqeyn ah ay xirmeen sababo la xiriira hoos u dhaca dhaqaalaha hay’adaha gargaarka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan nus milyan qof ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya 8-dii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2026, iyadoo abaartu ay ahayd sababta ugu weyn ee barakaca. Haweenka iyo carruurta ayaa lagu qiyaasay inay yihiin ku dhowaad 85% dadka barakacay.

Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa sheegtay in maalgelinta wax looga qabanayo nafaqo-darrada ba’an ee Soomaaliya ay sanadkan hoos u dhacday in ka badan 80%, iyadoo tirada carruurta iyo dadka loo daaweynayo nafaqo-darrada ay si weyn u korortay. Hay’addu waxay sheegtay in aan dunidu sugin ku dhawaaqista macaluul, balse tallaabo degdeg ah loo baahan yahay si looga hortago dhimashada iyo in xaaladdu kasii darto.

HBN  ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed