Warar dheerad ah oo ka soo baxay Ciidamo ka tirsanaa Somaliland oo maanta isu dhiibay Maamulka Waqooyi Bari

Korneel Cali Axmed Ismaaciil (Ashkato), oo hore uga tirsanaa ciidamada Somaliland, ayaa sheegay inuu isaga soo baxay ciidamada Somaliland, kuna biiray ciidamada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Sanaag.

Ashkato oo ahaa taliyihii ciidamada Somaliland ee Yubbe iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa ku biiray ciidamada Daraawiishta Waqooyi Bari, gaar ahaan Taliska Qaybta 12-aad ee Fiqi-Fuliye.

Qoraal ka soo baxay ciidamada Daraawiishta Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in Korneel Ashkato, oo ay la socdaan ciidamo kale, uu soo gaadhay taliska qaybta 12-aad ee ciidamada Daraawiishta ee gobolka Sanaag, halkaas oo uu kusoo dhaeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Waqooyi Bari iyo saraakiil kale.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Dowlada Waqooyi Bari Abdirisaq farah Warsame ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Taliye Ashkato oo horay uga tirsanaa ciidamada Somaliland.

Sarkaalka ayaa sheegay in go’aankiisa uu ku saleeyay dareenka iyo rabitaanka dadkiisa sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in suldaankiisu uu dhawaan taageeray maamulka Waqooyi Bari.

Ashkato ayaa sidoo kale sheegay in ka hor inta uuna ku biirin ciidamada Waqooyi Bari la xariiray saraakiil iyo wasiirro ka tirsan maamulkaasi, kaddibna uu go’aansaday inuu ka soo goosto dhinaca Somaliland.

Inkasta oo aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin xogo badan oo soo baxaya, hadane qaar kamid ah warbaahinta muxaliga ah ayaa warinaya in Ashkato uu la goostay baabuur qori culus saarnaa iyo ku dhawaad 10 askari oo ku hubaysan qoryaha fudud.

Ku biirista Ashkato iyo ciidamadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli xiisad siyaasadeed iyo mid amni ka jirto qaybo ka mid ah gobolada Sanaag iyo Sool, iyadoo Somaliland iyo Waqooyi Bari ay labaduba sheeganayaan saameyn iyo maamul ku aaddan deegaano ka tirsan goboladan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed