Duqeyn lagu dilay xubno Alshabaab ah oo ka dhacday Shabeellaha Dhexe

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Alshabaab uu ka dhacay deegaanka Fiidow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

NISA ayaa sheegtay in ciidamadeeda, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay bartilmaameedsadeen guri ay tilmaantay mid ay ku  dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Alshabaab.

Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka lagu dilay xubno ka tirsanaa Alshabaab, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin tirada dadka lagu dilay iyo magacyadooda.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay dhagar-qabeyaal oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaddib markii lagu bartilmaameedsaday guri ay ku dhuumaaleysanayeen” ayaa lagu yiri warka NISA.

Howlgalkan ayaa imaanaya laba maalin kadib markii Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan ku dilay 3 horjooge oo sare iyo 5 maleeshiyo ah oo ilaalo u ahaa, halka 4 kale lagu dhaawacay. Weerarkaas ayaa hay’addu xogtiisa sii daysay 16-kii bishaan Agoosto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed