Muxuu kala hadlay madaxda Dowladda, Safiirka Hindiya ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta qaabilay Danjiraha cusub ee Hindiya u soo magacowday Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika, oo Muqdisho ka bilaabay kulamo uu la yeelanayo madaxda dowladda, saacado kadib markii safiirro uu ku jiro kan Pakistan waraaqaha danjiranimo looga guddoomay Safaaradda Soomaaliya.

Kulanka ayaa la tilmaamay in looga hadlay xiriirka  Soomaaliya iyo Hindiya, sii xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqanka.

Hindiya ayaa Soomaaliya la leh xuduud dhanka Badda ah, halkaasi oo labada dal iska kaashadaan dhinacyada socdaalka amniga Badaha iyo duulimaadyada caalamiga ah.

Danjiraha cusub New Delhi oo durba dhaqdhaqaaq  diblomaasiyadeed iyo kulamo bilaabay uu la yeelanayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo fasiray mid looga jawaabayo cilaaqaadka Islamabad ee Geeska Afrika, si gaar ah Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed