Dowladda Soomaaliya dalka ku soo dhaweysay dhowr Safiiro cusub oo uu jiro kan Pakistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta nuqullada waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay 4 safiir oo cusub oo loo soo magacaabay Soomaaliya, oo uu jiro kan Pakistan, kadib markii labada dalka kala saxiixdeen heshiisyo culus oo dhanka Ciidamada cirka iyo dhismaha Milateriga ah

Safiirrada cusub ayaa ka kala socda dalalka Mali, Nigeria, Pakistan iyo Myanmar, iyadoo safiirka Pakistan uu ka mid yahay diblomaasiyiinta cusub ee dalka soo gaaray.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa soo dhaweeyay safiirrada, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga ay la leedahay dalalka ay safiirradu matalaan.

Diblomaasiyiintan ayaa dhankooda uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya soo dhaweynta, waxayna ballanqaadeen inay ka shaqeyn doonaan horumarinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalkooda iyo Soomaaliya.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed