Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in duqeyn gelinkii dambe ee maanta ka dhacday deegaan xeebeedka Suuj ee degmada Dangorayo lagu dilay 4 qof, halka 4 kalena lagu dhaawacay.
Dadka dhintay ayaa la sheegay inay saarnaayeen doon yar, waxaana meydadkooda laga helay doonida oo ku soo caarisay xeebta Suuj, sida uu sheegay qof deegaanka ku sugan.
Ilaa hadda lama oga cidda fulisay duqeynta iyo bartilmaameedka rasmiga ah ee weerarka, lamana xaqiijin xaaladda dadka dhaawacmay.
Sidoo kale, Deegaannada Suuj iyo Garmaal waxaa ku xiran dhowr markab oo la sheegay inay haystaan kooxo burcad-badeed Soomaali ah, waxaana ka mid ah markab shalay la qabsaday oo wararka qaar sheegayaan in laga leeyahay Turkiga, inkastoo aan si buuxda la xaqiijin warkan.
Weli ma cadda in dadka duqeynta lagu dilay ay ka tirsanaayeen burcad-badeedda ama ay ahaayeen kalluumaysato iyo dad kale oo noloshoodu ku tiirsan tahay wax-soo-saarka badda.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

