Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Alshabaab iyo maleeshiyaad taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay weerar isku dhafan saaka ku soo qaadeen magaalada Baydhabo.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka uu ku bilowday 2 gaari oo laga soo buuxiyay sida hadalka ay dhigtay waxyaabaha qarxa, kuwaas oo sida ay tilmaantay loo adeegsaday isku day lagu carqaladeynayo amniga magaalada.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Maxamed Cabdullaahi Shillaawe, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen 30 maleeshiyaad ah, halka tiro kale oo ka mid ah kooxihii weerarka soo qaadayna la qabtay.
“Weerarkii ay ku soo qaadeen magaalada Baydhabo Maleeshiyaadkii is huwanaa ee Argagixasada Alshabaab iyo Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen wuxuu ku bilowday laba gaari oo ay ka soo buuxiyeen Qaraxyo, isla markaana rabeen inay ku carqaladeeyaan nabadda ay haystaan Shacabka magaalada Baydhabo ku nool” ayuu yiri Afhayeen Shillaawe.
Sidoo kale, ciidamada dowladda ayaa sida ay wasaaraddu sheegtay gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid laga qabsaday maleeshiyaadkii dagaalka ka qeyb galay.
Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa ku goodisay in wixii maanta ka dambeeya Ciidamada daacadda u ah Cabdicasiis Laftagareen loola dagaallami doono sida Alshabaab, iyada oo ku eedeysay inay si isku mid ah u weerarayaan shacabka.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen maanta laga bilaabo, wixii ka dambeeya loola dagaalami doonaa sida Maleeshiyaadka Argagixisada, maadama cadeymihii goobaha dagaalada ay cadeynaysay in Maleeshiyaadkan iyo Argagixisaduba isku si u weerarayaan Shacabka, isla markaan u dhibaataynayaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Dagaalka maanta ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Baydhabo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaankii hore Koonfur Galbeed, waxaana dagaallo soo noqnoqday ay ka dheceen magaalada, kuwaa oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac dhinacyada iyo shacab isu jira.

