Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in la soo afjaray iska hor-imaadkii ay ciidamada taabacsan maamulkii hore ku soo qaadeen magaalada.
Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay soo afjareen waxa ay ku tilmaantay “kooxo Khawaarij ah” oo weerar ku soo qaaday Baydhabo. Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada iyo shacabka magaalada ay si wadajir ah isaga caabiyeen weerarka sida hadalka ay u dhigtay.
“Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagaysaa in gebi ahaanba la soo afjaray kooxo Khawaarij ah oo maanta weerar argagixiso ah kusoo qaaday magaalada Baydhabo,” ayaa lagu yiri Warka Wasaaradda.
Sidoo kale, Maamulka ayaa sheegay in shacabka Baydhabo ay door ka qaateen iska caabbinta weerarka, isagoo ku ammaanay sida uu sheegay inay “si naf-hurnimo ah” uga qayb qaateen difaaca magaalada.
Dhanka kale, ciidamada Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay gaari nooca Beebe ah oo ay sheegeen inay ka qabsadeen ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Maamulka Cabdicasiis Laftagareen, hase yeeshee ilo madax-bannaan ayaa sheegaya in gaariga uu horey u lahaa Ciidanka Xoogga Dalka, lagana qabsaday ciidamadii saaka ee magaalada soo weeraray.
Isha ku haay Hbn Online Tv

