Qaramada Midoobay oo ka digtay xaaladda abaarta ee Soomaaliya

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isu-duwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, George Conway oo maanta socdaal ku tagay caasimadda maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Laasacanood ayaa ka digay xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaaraha daba-dheeraaday ee Soomaaliya.

Conway ayaa sheegay in dalka uu wajahayo saameynta isbiirsatay ee ugu yaraan 4 xilli-roobaad oo xiriir ah oo roobabkoodu ka hooseeyeen celceliska, iyadoo waqooyiga Soomaaliya ay muddo laba sano ah ka jirto roob-yari joogto ah. Wuxuu sheegay in booqashada Laascaanood ay tahay mid looga jawaabayo arrimo bini’aadantinimo oo looga gol leeyahay in bulshada, maamulka iyo hay’adaha gargaarka laga dhageysto baahiyaha ugu daran ee ka dhashay abaarta.

Sidoo kale, Wuxuu xusay in maalgelinta qorshaha gargaarka Soomaaliya sanadkan ay gaartay meel aad u hooseysa, halka gobollada maamulka Waqooyi Bari dadkii loogu talagalay gargaarka tiro yar ay fursad u heleen in wax la gaarsiiyo.

“Waxaan wajahnaa xaalad gaar ah oo la xiriirta hoos u dhaca dhaqaale ee gargaarka. Sanadkan, qorshaha gargaarka Soomaaliya waxaa la maalgeliyay qiyaastii 29 ilaa 30 boqolkiiba oo keliya, halka gobollada Sool iyo Sanaag aan hadda gaarno ku dhawaad 26 boqolkiiba dadka aan qorsheynay inaan gaarsiino gargaarka. Tani waa dhibaato weyn, waxaana isku dayeynaa inaan helno hababka ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo baahiyaha dadka, iyadoo dhaqaalihii gargaarku si weyn hoos ugu dhacay” ayuu yiri Conway.

Dhanka kale, George Conway ayaa sheegay in mudnaanta la siinayo baahiyaha naf-badbaadinta, si looga hortago dhimasho, luminta hab-nololeedka iyo barakac dheeraad ah, isagoo sidoo kale booqday xarunta xasilinta ee Isbitaalka Laascaanood, halkaas oo lagu soo tusay carruur la tacaalaysa nafaqo-darro daran oo soo kabanaya.

“Abaaruhu waxay hadda noqdeen kuwo ka dheer kana soo noqnoqda sidii hore, sidaas darteed waxaan u baahanahay inaan si cusub uga fikirno sida Soomaaliya looga dhigi karo dal u adkeysan kara dhibaatooyinka iyo masiibooyinka soo noqnoqda mustaqbalka” ayuu yiri Conway.

Ugu dambeyn, Wafdiga waxaa hoggaaminaya Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo xafiiskiisa ku qaabilay, waxaana la tilmaamay in diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo, xoojinta isku-duwidda hay’adaha gargaarka, horumarinta, iyo mashaariicda loogu talagalay bulshada deegaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed