Koonfur Galbeed oo Alshabaab ku eedeysay in dad badan ku qasbeen in deegaanadooda ka barakacaan

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in amni-darrada, abaaraha iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ay sababeen barakac ballaaran oo ka jira deegaanada maamulka, wuxuuna ku eedeeyey kooxda Alshabaab in dadka ay ku riixeen inay isaga hayamaan deegaanadooda.

Aadan Madoobe ayaa tilmaanay in koooxdu ay cadaadis ku saartay dadka reer miyiga ah, taas oo ku qasabtay inay ka soo barakacaan deegaanadooda una soo guuraan magaalooyinka waa weyn. Waxa uu xusay in Koonfur Galbeed ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ku nool yihiin barakacayaasha Soomaaliya, iyadoo dad badan oo Muqdisho yimaadana ay ka soo hayaamaan deegaanada maamulka.

“Koonfur Galbeed waa maamulka ugu dadka badan, ugu barakacayaasha badan──Xitaa Muqdisho, barakayaasha jooga inta badan waxay ka yimaadeen Koonfur Galbeed,” ayuu yiri hoggaamiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale, Waxa uu ka digay in xaaladda bani’aadannimo ay sii xumaan karto haddii ay isku darsamaan amni-darrada, abaaraha iyo saameynta isbeddelka cimilada, isagoo sheegay in duruufaha adag ee magaalooyinka ay sidoo kale saameynayaan dadka barakacay.

Soomaaliya ayaa muddo dheer wajahaysay abaaro soo noqnoqda oo mararka qaar ay ku xigaan fatahaado baahsan, kuwaas oo saameeya dalagyada, xoolaha iyo nolosha malaayiin qof, isla markaana kordhiya barakaca iyo cunto yaraanta.

Hay’adaha gargaarka iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqaya in la kordhiyo taageerada caalamiga ah, iyadoo laga digayo in hoos u dhaca maalgelinta gargaarku uu sii xumayn karo xaaladda dadka wajahaya cunto yari iyo duruufo nololeed oo adag.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed