Madaxii Alshabaab ee Jowhar oo la dilay

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Warciise, oo qiyaastii 25-km u jira magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, lagu dilay 9  xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay ku jireen xubno joogayaal ah.

NISA ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in howlgalka lagu dilay 2 horjooge oo muhiim ah, kuwaas oo kala ahaa Axmed Cali Jimcaale, oo hay’addu sheegtay inuu ahaa horjoogihii Alshabaab ugu magacawnaa degmada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle iyo Geedi Maxamed Nuur Cadde, oo lagu sheegay inuu kooxda u qaabilsanaa deegaannada Dumaaye iyo Dabagaalo ee Mudug.

Hay’addu waxay sheegtay in 2 horjooge muddo lagu raad-joogay xogtooda iyo dhaq-dhaqaaqyadooda, iyadoo howlgalka lagu beegsaday xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Warciise.

Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay 7 maleeshiyaad ah oo kooxda u qaabilsanaa waxa ay ugu yeertay “Xisbada” ee deegaanka Warciise, kuwaas oo la socday horjoogeyaasha la beegsaday.

NISA ayaa tilmaantay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana Alshabaab lagu gaarsiiyay, sida ay hadalka u dhigtay, “jab culus”. Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay qorshaha lagu burburinayo shabakadaha kooxda Alshabaab u adeegsato abaabulka iyo fulinta falalka waxa loogu yeero argagixisada.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed