Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay si rasmi ah u shaaciso natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026.
Munaasabadda lagu shaacinayo natiijada ayaa waxaa socda qaban-qaabadeeda, waxaana la filayaa in Wasaaraddu ay soo bandhigto tirada guud ee ardayda imtixaanka u fariisatay, kuwa ku guuleystay iyo kuwa ku dhacay, iyadoo sidoo kale la kala saari doono natiijada gabdhaha iyo wiilasha.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo ardayda kaalmaha hore ka gashay imtixaanka, gaar ahaan kaalmaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, kuwaas oo la sheegay in la guddoonsiin doono abaalmarinno.
Natiijada ayaa si weyn u sugayaan ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo dugsiyada dalka, iyadoo indhaha lagu hayo dhaqdhaqaaqyada ka socda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

