Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay albaabada isugu dhufan doonto Iskuulkii aan buuxin shuruudaha waxbarashada

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa caawa ku dhawaaqay in la xiri doono iskuullada aan buuxin shuruudaha ay wasaaraddu dejisay, gaar ahaan kuwa aan lahayn adeegyada aas aasiga ah, qalab iyo bay’ad waxbarasho oo ku habboon Ardayda.

Faarax ayaa xusay in waxbarashadu ay tahay halka ay ka dhacdo iskuulka, sidaas darteedna ay ahmiyad gaar ah siindoonaan fasaladda iyo goobaha waxbarashadu ka socot. Wuxuu tilmaamay in nadaafadda iyo bay’adda iskuullada si gaar ah loo eegi doono, isla markaane iskuul kasta oo aan buuxin shuruudahaas, ha ahaado mid dowladeed ama gaar loo leeyahay, la xiri doono.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegtay in guddiyada kormeerka sanadkan xoogga saari doonaan xaaladda ardayda, iyadoo guddiyo kale loo diri doono iskuullada si ay u qiimeeyaan dhismayaashooda, bay’adda, nadaafadda iyo qalabka waxbarashada.

“Waxbarashada meesha ay ka socoto waa Iskuulka, xafiiska ma aha, Ummaddeenana waxay u ekaan doontaa Iskuulkeena siduu u eg yahay. hal xabane cudur daar maleh waa nafaad darrada iyo Bay’ada Iskuulka inay noqoto mid qashin leh. “Guddiyada kormeerka sanadan xoogga waxay saarayaan Ardayga. Guddiyo kale oo kormeer ah waxaa la soo diri doonaa Iskuulka dhismihiisa iyo bay’adiisa iyo qalabkiisa eega. Iskuulkan intaas munaasab ku ahayn waa la xiraa, Iskuul ma ahaanaayo, dowladda ha lahaato ama gaar ha ahaado” ayuu yiri Wasiir Farax Sheikh.

Dhanka kale, Wasiir Faarax ayaa sheegay in natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad la shaacin doono Sabtida todobaadka dambe.

“Imtixaankii dugsiga sare waxaa la soo shaacinayaa maalinta sabtida ee 15-ka bisha Agoosto” ayuu yiri wasiir.

Imtixaanka ayaa sanadkan waxaa u fariistay 44,136 arday, waxaana lagu qabtay 158 xarumood oo ku kala yaalla 58 degmo oo ka tirsan dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banadir.

Natiijada imtixaanka ayaa si weyn loo sugayaa, iyadoo kumannaan arday iyo waalidiin ay ku jiraan diyaar-garowga iyo sugitaanka natiijada.

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed