Xubin ka mid ah golaha wasiiradda Soomaaliya oo iscasilay

Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maanta inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Is-casilaaddiisa ayuu ku caddeeyay qoraal uu soo saaray maanta oo ku beegan 13-ka Agoosto 2026, isaga oo aan shaacin sababta rasmiga ah ee keentay go’aankiisa.

Abuukaate ayaa xaqiijiyay inuu banneeyay xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, isaga oo uga mahadceliyey madaxda dowladda fursaddii ay u siiyeen inuu ka mid noqdo Xukuumadda dalka.

Is-casilaadda Xildhibaan Maxamuud ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka ay ka socdaan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo maamul, iyadoo Dowladda Federaalka ay waddo qorshayaal la xiriira habsami-u-socodka iyo shaqada hay’adaha dowladda.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ku saabsan is-casilaadda Abuukaate.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed