Howlgallo lagu beegsaday Alshabaab oo ka dhacay Hiiraan & Shabeellaha dhexe

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in iyada oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ay ka fulisay howlgal culus ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo muddooyinkii dambe gobolka ka waday sida la tilmaamay abaabul iyo dagaallo, waxaana NISA sheegtay in howlgalkaasi khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda. Hay’addu ma aanay sheegin tirada xubnaha ee la beegsaday iyo inta khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Dhanka kale, NISA ayaa howlgal ay 24-kii saac ee la soo dhaafay oo ay ka fulisay deegaanka Tawakal ee Gobolka Shabeellaha Hoose sheegtay in lagu dilay 7 xubnood oo Alshabaab, halka qaar ka mid ah horjoogeyaasha kooxda lagu dhaawacay.

Horjoogeyaasha lagu bartilmaameedsaday howlgalka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa  Yoonis Macallim Abuukar, oo qaabilsanaa Mushaani; Abuu Xaaji Fareey, horjoogaha maleeshiyaadka Tawakal; Ayaatullaahi xubin lagu soo koobay, ahaane horjoogihii Jabhadda Shabeellaha Hoose iyo Cabdifitaax Rooble, horjoogihii Baadda ee Baladul-Amiin.

Xogta hordhaca ah ayaa tilmaamaysa in Yoonis Macallim Abuukar iyo Cabdifitaax Rooble ay dhaawacyo culus kasoo gaareen howlgalka, sida lagu sheegay bayaanka. NISA ayaa sheegtay in bartilmaameedka lagu helay xog sirdoon oo xaqiijisay joogitaanka horjoogeyaasha kooxda ee goobta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed