Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga iyo dowladnimada dalka, kadib markii uu xusay in beesha caalamka ay su’aal galisay inta ay sii socon karto taageeradaasi.
Xasan Sheekh ayaa carrabaabay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda la gudboon tahay inay xoogga saaraan sidii loo sugi lahaa amniga dalka, loona dhisi lahaa awood ay Soomaaliya isku filnaa karto. Wuxuu tilmaamay in beesha caalamku ay Soomaaliya garab istaagtay oo ay ka caawisay dhinacyo kala duwan.
“Ilaa masuuliyadda dalkeena anagu aan dusha saarano —wax badan waa inaga dhimanaanayaan, waanala kaalmeeyey, Adduunyadu waa ina garab istaagtay. Maanta maxaan sameyn karnaa? Amnigeena aan sugno, awooddeena aan isku tashano—Adduunyadu wa ina kabtay, waana ina kaalmaysaye, anagu aan masuuliyadeena qaadano” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa si adag uga hadlay siyaasadda xubnaha mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay weli wataan sida uu ku dooday hab-dhaqankii hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray, isla markaana aysan hayn siyaasad cad oo ku dhisan nidaam iyo go’aan qaadasho rasmi ah.
Wuxuu sheegay in siyaasadda Soomaaliya ay weli ku dhisan tahay shaqsiyaad, kadib 36 sano oo ay ka soo wareegtay burburkii dowladdii dhexe, isaga oo xusay in arrintaasi aysan ahayn xaalad lagu qanci karo.
“Nimanaa maanta waxay ku adkeysanayaan oo ay banaanka la taagan yihiin oo ku faanayaan inay weli hoggaamiye kooxeed ahaadaan. Siyaasad aan la garanayn, habka go’aan loo gaaro aan la garanayn, qaabka loo saadaaliyo aan la garanayn —cidda talada leh aan la garanayn” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka digtoonaadaan siyaasadda ku dhisan shaqsiyaadka, isla markaana ay taageeraan dhismaha nidaam siyaasadeed oo cad iyo dowladnimo waarta.
“Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay kaca, baraaruga, nidaam sameysta. Siyaasaddu waa waxa na heysta,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
HBN ONLINE TV

