Maxkamadda Racfaanka oo sii daysay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta burisay xukun 3 sano oo xabsi ah oo horey loogu riday Sacdiya Macallin Cali, oo loo yaqaanay Sacdiya Bajaaj, taas oo dowladda Soomaaliya u xirnayd muddo ku dhow 4 bilood.

Sacdiya Bajaaj ayaa dhammaadkii bishii June ee sannadkan lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah, hase yeeshee qareennadeeda ayaa racfaan ka qaatay go’aankaasi, iyagoo Maxkamadda Racfaanka ka codsaday in dib loo eego xukunkii hore.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa dhowaan dhagaysatay racfaanka ay gudbiyeen qareennada Sacdiya, kuwaas oo soo bandhigay sababaha ay uga soo horjeedaan xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Kadib dhagaysiga dacwadda, Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta ku dhawaaqday inay burisay xukunkii 3 sano ahaa, taas oo keentay in Sacdiya Bajaaj ay dib u hesho xorriyaddeeda.

Ehelka Sacdiya ayaa saacado ka hor ku dhawaaqista go’aanka maxkamadda waxay ka codsadeen Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir in ay dib u soo celiso xorriyaddeeda, isla markaana ay laasho xukunkii hore loogu riday.

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa sidaas kusoo afjaray xabsigii ay Sacdiya Bajaaj ku jirtay, iyadoo maanta dib ugu soo laabatay xorriyaddeeda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed